Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta safar ku tagay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna booqday ciidanka xoogga dalka guutada 14-ka October.
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan lagu soo wargelin in madaxweynaha uu tagayo magaalada Marka, midaasina ay dhaliilayaan.
Wuxuu sheegay Maxamed Ibraahim ilaa hadda in uusan garan karin sababta loogu soo sheegi waayay maadaama uu yahay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.
Madaxweyne Maxamed C/laahi (Farmaajo) iyo xubnaha la socdey ayaa waxaa ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho isla markaana soo gaba gabeeyeeyey safarkooda Marka.














