Guddoomiyaha SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Abaarta gobolka Awdal

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah magaalada Muqdisho kula yeeshay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa Isku-duwidda Arrimaha Bini’aadamnimada Soomaaliya, Mudane George Conway. Kulankan oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen khubaro iyo mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada dhinac, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaaladda abaarta ka jirta gobolka Awdal, oo si isa soo taraysa u saameyneysa nolosha bulshada.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay saameynta abaarta ku yeelatay gobolka Awdal iyo deegaanada u dhow ee hoos yimaada maamulka Puntland, iyadoo laga hadlay caqabadaha taagan iyo baahida loo qabo isku-duwid qaran iyo mid caalami ah oo wax looga qabto xaaladda bini’aadantinimo ee ka taagan gobolladaas. Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in aan la sugi karin, loona baahan yahay in si degdeg ah loo diyaariyo qorshe mideysan oo wax ku ool ah.

Qodobka ugu weyn ee laga dooday ayaa ahaa qabashada shirweyne ballaaran oo heer qaran ah, kaasoo ay kasoo qayb geli doonaan ganacsatada Soomaaliyeed, culimada, hay’adaha maxalliga ah, kuwa caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay. Shirkan ayaa lagu wajahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashi rasmi ah oo dhex mara bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka, loogana shaqeeyo xal waara oo lagu yareynayo masiibooyinka iyo abaarta sii baahaysa.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku celceliyay in hay’addu diyaar u tahay hoggaaminta dadaallada mideysan ee lagu wajahayo xaaladaha degdegga ah. Wuxuu sheegay in “masiibooyinka aan cid kali ah lagula tacaali karin, balse ay u baahan yihiin dadaal wadareed oo u dhexeeya dowladda, bulshada rayidka ah, ganacsiga iyo beesha caalamka.”

Intii kulanka uu socday, waxaa sidoo kale lagu dhawaaqay in kulanka soo socda ee Madasha Arrimaha Bini’aadantinimo, oo sanadkiiba saddex jeer la qabto, lagu qaban doono magalada Jowhar, oo ah caasimadda maamulka Hirshabelle. Madashan ayaa noqon doonta meel lagu mideeyo aragtiyaha, qorshayaasha iyo isku xirka howlaha lagu wajahayo xaaladaha bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi is-faham iyo wadashaqeyn ku dhisan, iyadoo dhammaan dhinacyadii ka qaybgalay ay ku heshiiyeen in si dhaqso leh loo hirgeliyo qodobadii laga wada hadlay, lana mideeyo dadaallada gurmadka iyo qorshaha waara ee la xiriira xakameynta saameynta abaaraha iyo masiibooyinka kale ee ku habsaday dalka.