Guddoomiye Cusub oo loo Magacaawday Gobolka Cayn

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddoomiye Cusub u Magacaabay Gobolka Ceyn ee Puntland.

Madaxweyne kuzigeenka Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland iyo Xildhibaanada Gobolka Cayn.

Markuu arkay: Baahida shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyay: Aqoonta iyo waayo-aragnimadiisa shaqo

Wuxuu u magacaabay:-

Cabdifataax Ciise Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Cayn.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenku , wuuna saxiixay.