Guddoomiye Jeyte” Waa in la xaliyaa tabashada Reer Beledweyne”

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Maanta Magaalada kula kulmay Xubanaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal, isaga oo siiyay Warbixin la xiriira xaaladda amni ee goobaha la filayo in lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan doorashooyin kasta oo dalka ka dhaca dadka kunool ay qabaan tabashooyin kala duwan, isla markaana weli tabasbadaas an wax xal ah laga gaarin.

Waxaa uu u sheegay Guddoomiye Jeyte Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal in Beledweyne dadka kunool ay tuhun iyo tabasho badan qabaan loogana baahan yahay in ay xaliyaan.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in sidoo kale Bulshada Beledweyne ay qabaan shaki ah in doorashada ka wareegeyso, wuxuuna guddiga ka codsaday in ay u balan qaadaan in Xubnaha Gobolka Hiiraan ku leeyihiin Golaha Shacabka in lagu qabanayo doorashadooda Beledweyne.

Hadalkan kasoo yeeray Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa kusoo aadaya xilli warar soo baxayay ay sheegayeen in qaar kamid ah Golaha wadatashiga ay doonayaan in hal degaan lagu soo koobo doorashada Golaha Shacabka.