Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay la-taliyaha sare ee FOLKE BERNADOTTE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Cecilia Bylesjö oo ah la-taliye sare iyo u qeybsanaha Soomaaliya ee hay’adda FOLKE BERNADOTTE – hay’ad dowladda Sweden u qaabilsan nabadda iyo horumarinta amniga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adda FOLKE BERNADOTTE iyo Golaha Shacabka, gaar ahaan taageerada dhinacyada sharci dejinta, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha Golaha iyo dhanka cilmi-baarista.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Cecilia Bylesjö iyo hay’adda ay metelayso taageerada ay u muujiyaan Baarlamaanka, isagoo xusay in iskaashiga labada dhinac uu muhiim u yahay horumarinta hannaanka sharci dejinta iyo dardargelinta howlaha Golaha Shacabka.