Guddoomiyaha degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeeleaha Hoose Cabdullaahi Cali Axmed Waafow ayaa faah faahin ka bixiyey dagaal culus oo xalay Fiidkii Magaaladaas ku dhex-marey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.
Wareysi uu siiyey Guddoomiyaha idaacada raadiyo beydhabo ayuu ku sheegay inay iska difaaceen Ciidamada weerarka kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada xilliga la soo weerarayay ay ku jireen feejignaan,isla markaana laga warhaayey weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
Guddoomiyaha ma sheegin khasaaraha ka dhashay dagaalka Magaalada Marka ku dhex-marey Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab.














