Guddoomiyihii Deegaanka Garasbaaleey oo Qarax lagu dilay

Gudoomiyaha degaanka Garasbaaleey ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marka hore uu dhaawac culus kasoo gaaray qarax lala eegtay gaari uu saarnaa, dhaawacaas oo uu ugu dambeyn u geeriyooday.

Alle ha u Naxariistee Maxamed Abuukar Afrax ayaa xilliga qaraxa lala beegsanayay gariga uu saarnaa waxaa uu marayay inta u dhaxeysa Degmada Kaxda iyo deegaanka Garasbaaleey Gaar ahaan waaxda Fooriloow.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degaanka Garasbaaleey ayaa Radio Baidoa u xaqiijiyay geerida Guddoomiyihii degaanka, waxaana jira sidoo kale dhaawac ka dhashay qaraxaas.

30 kii Bishii May ee Sanadkan ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir wax uu u Magacaabay Gudoomiyaha Deegaanka Garasbaaleey ee maanta la dilay, kaas oo bedelay Gudoomiyihii Isaga ka horeeyay ee Cabdiraxmaan Axmed Cali Garyare oo isna qarax lagu dilay.