Gudomiyaha Baarlamanka KG Oo Maanta Baydhabo Kulan ka Daahfurey(Sawiro)

Kusimaha Madaxweyna ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada KGS Amb. Dr. Ali Said Faqi oo Maanta si Rasmi ah Baydhabo ugu dahfurey Kulan looga hadlaayay dib u-eegista iyo ilaalinta xaquuqda caruurta Koonfur Galbeed .

kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyey wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka KGS ,Waxana ka soo qeyb galey qaar ka Mid ah guddiyada Baarlamanka ,Agaasimiyaasha guud ee wasaradaha KGS iyo Mas’uliyiin kale.