Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagey Xaruumaha Ciidanka , Sida Saldhigyada Ciidanka Booliska iyo barkantaroolada laga so galo Magaalada Baydhabo ,Xaruunta C.I D , Taliska taraafikada Waddooyinka, Iyo Saldhiga weyn ee Booliska Degmada Degmada Baydhabo.
Waxaana kormerka Gudoomiyaha Ku wehlinaayay Wasiirka Amniga DGKGS. Isaxaq Ali Subaq , Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka jenaraal Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay Gaashaanle dhex Aamiin Mad Daruur iyo Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo Gaashaanle dhex Mukhtaar Ibrahim Dugudow iyo Saraakiil kale.


































