Gudodomiyaha degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in marnaba aysan suurtagal aheyn in Ciidamada ay mar walba difaacyo isaga jiraan,isla markaana tuulooyinka hoostaga Marka ay ka maqan yihiin Gacanta dowladda.
Waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay sugeen Amniga degmada Marka,hayeeshee looga baahn yahay in saacadaha soo socda ay gacanta ku dhigaan deegaannada maqan,sida deegaanka Janaale iyo deegaannada kale.
“Ciidamada Waxaan ku dhiiro gelineynaa in ay foodda geliyaan Janaale oo saacadaha soo socda ay war Cad nooga keenaan Janaale, ma rabno Difaacyo iska aalayo Buufow iyo Buulo Dhurow Difaacyadiina ha u sii siqaano Dhanka iyo Janaale ayuu yiri”Gudodomiye Waafow.














