Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa uu dhagax dhigay dhismaha xarunta degmada Warta Nabada oo hjorey Al-Shabaab qarax ku burburiyeen.
Guddooomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Xarunta Degmada, si loo dardargeliyo adeega shacabka kunool Degmada Warta Nabadda ,isaga oo baaq u diray Shacabka kunool Caasimadda in ay kaalin weyn ka qaataan horumarinta Caasimadda, Amniga iyo isdhexgalka bulshada .
14-kii bishii May ee sanadkii hore 2019 ayaa Gaari sida la sheegay ahaa NOH lagan soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxaa lagu qarxiyey Xarunta degmada Warta-Nabada,waxaana qaraxaas uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Horey ayaa Al-Shabaab waxaa ay qarax ku burburiyeen Xarumaha degmooyinka, Wadajir,Hodan iyo Howl-Wadaag walow markii dambe dib loo dhisey.

















