Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u yimid magaalada Baydhabo, oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Wafdiga uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano heer Federaal ah ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada.
Soo dhaweynta wafdiga ayaa waxaa si wadajir ah u qabtay kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee maamulkaasi, Dr. Cali Siciid Fiqi, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo baarlamaanka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo. Munaasabadda soo dhoweynta ayaa ahayd mid ka turjumeysa xiriirka dhow ee ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Kadib imaatinkooda, labada dhinac ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada, halkaas oo Guddoomiye Cali Siciid Fiqi uu si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa. Waxaa uu sheegay in booqashada Guddoomiyaha ay tahay mid muhiim u ah xoojinta wadashaqeynta, kor u qaadidda xiriirka labada gole, iyo dardargelinta howlaha sharci dejinta iyo matalaadda shacabka.
Dhankiisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay maamulka Koonfur Galbeed iyo shacabka Baydhabo soo dhoweynta qiimaha badan ee loo sameeyay, isaga oo xusay in ay tahay booqasho rasmi ah oo uu uga gol leeyahay in lagu dardargeliyo wada-hadalka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowliga ah.
Inta uu joogo magaalada Baydhabo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka ah, iyo qeybaha kala duwan ee shacabka. Kulamadan ayaa looga arrinsan doonaa arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta nabadgelyada, taageerada ciidamada, horumarinta adeegyada bulshada, iyo doorka baarlamaanka ee dhismaha dalka.
Booqashadan ayaa kusoo beegmeysa xilli Koonfur Galbeed ay wajaheyso caqabado amni iyo kuwo dhaqaale, waxaana la rajeynayaa in wada-tashiyada halkaasi ka dhacaya ay horseedi doonaan xalka dhibaatooyinka jira, iyo kor u qaadidda iskaashiga dowlad-goboleedka iyo dowladda dhexe.














