Waxaa teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ka socota hadal-jeedinta musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi Somaaliland,kuwaas oo ku tartami doonaan 11 Kursi ee Gobolada Waqooyi ku leeyihiin Aqalka Sare.
Goobta hadal jeedinta ayaa waxaa ku sugan Ra’iisul Wasaare Rooble, kuxigeenkiisa, Ergooyinka wax dooranaya , Guddiga doorashooyinka Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi iyo Xubno kale oo korjoogto ka ah.
Xubnaha Musharixiinta ee ilaa iyo hadda Khudbadahooda jeediyay ayaa waxaa kamid ah , Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Cabdi Xaashi Cabdillaahi, wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleeymaan.
Maanta ayaa waxaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo hadal jeedinta Musharixiinta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland, iyada oo guddiga doorashooyunka laga sugayo waqtiga ay dhaceyso doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad manta ka jeediyay hadal jeedinta ayaa sheegay in todobaadkaan ay soo geba-gabeyndoonaan doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.














