Maxkamadda Southwark Crown ee magaalada London ayaa ku heshay dambi Zhimin Qian, oo sidoo kale loo yaqaan Yadi Zhang, kadib markii ay qiratay in ay door hoggaamineed ku lahayd xatooyadii ugu ballaarneyd ee lagu sameeyo lacagaha loo yaqaan cryptocurrency. Hantida la dhacay ayaa lagu qiyaasay in ka badan £5 bilyan ($6.7 bilyan), taas oo ka dhigaysa kiis taariikhi ah oo dunida ka yaabiyay.
Booliiska Metropolitan-ka ee magaalada London ayaa sheegay in intii u dhexeysay 2014 illaa 2017, Qian ay madax ka ahayd shabakad khiyaano caalami ah oo ka howlgashay Shiinaha, taas oo lagu qiyaasay in ay ku dhacday lacagihii iyo hantidii ku dhowaad 128,000 qof. Shabakaddan ayaa si nidaamsan u abaabushay dhaqaale-xumo baaxad leh oo saamayn ku yeeshay kumannaan qof oo maalgashadeyaal ah.
Markii baaritaanka la sameeyay, booliisku waxay gacanta ku dhigeen in ka badan 61,000 oo Bitcoin, taas oo qiimaheedu gaadhayay heerar taariikhi ah, iyada oo noqotay mid ka mid ah qabashooyinka ugu waaweyn ee lacag dijitaal ah oo abid lagu guulaysto caalamka.
Qian, oo 47 jir ah, ayaa muddo shan sano ah ka dhuumatay sharciga, ka hor inta aan la soo qaban, iyadoo ay socdaan baaritaanno adag oo socday muddo toddobo sano ah. Sarkaalka hoggaaminayay baaritaanka, Detective Sergeant Isabella Grotto, ayaa sheegay in kiiskan uu ahaa mid aad u adag, isla markaana u baahday iskaashi caalami ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo dunida ah.
Maxkamaddu waxay sheegtay in dambiga ay qiratay Qian uu yahay mid ka tarjumaya heerka halis ee dembiyada dhijitaalka ah maanta, kuwaas oo aan ku koobnayn xuduudaha dalalka balse si caalami ah u saameeya nidaamyada dhaqaale iyo kalsoonida dadka maalgashadayaasha ah.














