Duqa cusub ee magaalada Sheffeild ayaa taariikhda galay iyadoo noqotay haweeneydii ugu horreysay oo madow ah, xijaaban, soomaalina ah oo loo magacaabo xilkaas.
Safiya Siciid oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ayaa loo caleema saaray inay noqoto Duqa magaalada ee128-aad ee Lord Mayor, shirka golaha deegaanka Isniintii.
Xubno ka mid ah qoyskeeda ayaa ka soo socdaalay Somaliland oo ay kasoo jeedo si ay uga qeyb galaan xaflad lagu qabtay magaalada Sheffield.
Waa Hooyo keligeed ah oo haysata shan carruur ah, waxaana markii ugu horreysay loo doortay in ay xildhibaan ka noqoto Burngreave sanadkii 2021, waxay aasaastay barnaamijj lagu magacaabo Gaarsii Dhalinyarada (Reach Up Youth), oo ah mashruuc bulsho oo taageeraya dhallinyarada, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dadka asalkoodu yahay madow iyo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.
Safiya mudadii ay golaha deegaanka ahayd waxa ay soo qabatay jagooyin kala duwan, waxaanay ka kororsatay khibrad balaaran.
Xirfadeeda xildhibaanimo, Safiya waxa ay soo qabatay doorar muhiim ah oo ay ka mid yihiin ku xigeenka duqa magaalada iyo gudoomiyaha gudigga degaanka Waqooyi Bari.
Safiya wax ay nqooneysaa duqii labaad ee Soomaali ah ee Sheffield ka noqdo Lord Mayor iyadoo uu horey duqa magaalada ugasoo noqday Magid Magid, kaas oo ahaa Maayarkii ugu horreeyay ee Soomaali ah magaaladaas, wuxuuna ugu horreeyay duqa magaalada ee xsibiga Green Party, isagoo 28 jir ah, waa duqii ugu da’da yaraa.














