Ma la socotaa dad heysta diinta Kirishtanka in ay ku noolyihiin gudaha Soomaaliya?

Hay’adda International Christian Concern (ICC) oo u ka shaqeysa xuquuqda dadka Kirishtaanka ah ayaa sheegtay in ku dhawaad 1,500 oo Soomaali ah oo qaatay diinta Masiixiga (Kirishtanka) ay si dhuumaaleysi ah ugu nool yihiin gudaha Soomaaliya.

Warbixinta ay hay’adda ICC ay soo saartay ayaa lagu xusay in dadkaasi intooda badan ay yihiin kuwo diinta Islaamka ka soo baxay, islamarkaana nolol adag ay ku wajahayaan gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. ICC ayaa sheegtay in ay si hoose uga fuliso Soomaaliya barnaamijyo lagu taageerayo dadkan ka baxay Diinta Islaamka, iyadoo sidoo kale sheegtay inay ka caawiso meelaha qarsoodiga ah ee ay howlahooda ku gutaan.

Hay’addu waxay intaasi ku dartay in ay gudaha dalka ka hirgelisay shabakad si qarsoodi ah uga shaqeysa, taasoo ujeedadeedu tahay soo dhoweynta dadka diinta Islaamka ka baxa, Waxayna sidoo kale sheegtay in ilaa 20 qof oo diintooda ka cararay ay u kireeyeen guryo si ay ugu nabad galaan.

Sidoo kale, ICC waxay sheegtay inay taageerto haweeney kalkaaliso ah oo ka howlgasha waqooyiga Soomaaliya, taas oo muddo labo sano ah wadda hawlaha gaaleysiinta iyo faafinta Injiilka oo ah kutubka ay adeegsadaan Masiixiyiinta. Haweeneydan ayaa adeegsanaysa xirfaddeeda caafimaad si ay u gaarto haweenka iyo carruurta, iyadoo hawshaas u wadda si qarsoodi ah.

Warbixinta ICC laguma xusin magaca haweeneydaasi ama goobaha saxda ah ee ay ka howlgasho, iyadoo looga gaabsadey sababo amaan dartooda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin arrimahan waxaan warbixinta ay hay’adda ay daabacdey lagu sheegey  in aysan si buuxda ugu baraarugsanayn tallaabooyinka iyo howlaha hay’addan ICC ay ka waddo gudaha dalka.

Dadka ka baxa diinta Islaamka ee soomaalida ah ayaa kordhaayey sanadihii ugu dambeeyey waxaana la arkaayey intooda badan iyagoo ku sugan dalka dibadiisa halkaas oo ay ku damayeen nabageliyo iyo badbaado si ay u noolaadaan, balse arintan ayaa waxaa sidoo ay muujineysaa in dadka soomaalida ah ee heysta diinta Kirishtaanka in hadda ay gabaad ku heli karaan gudaha Soomaaliya.

W/Q Mohamed Abdirahman Ali (Taatikoode)