Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka Oo Maalinkii Labaad Wadatashiyo kawada Baydhabo[SAWIRO]

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ee ku sugan Koonfur Galbeed oo Kaashanaya Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan wada tashi ah la qaatay Culumada, Odoyasha Dhaqanka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee reer Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka ku xigeenka Dr. Xuseen Cilmi ayaa sheegay in loo baahanyahay in dastuurku uu noqdo mid loo dhanyahay oo ay umadda soomaaliyeed leedahay,

wuxuna kula dardaarmay reer Koonfur Galbeed in ay aayahooda ka tashadaan oo ay waqti iyo juhdi galiyaan dastuurka lana shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.