Kulamo maalmihii la soo dhaafay ka socday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu dambeyn Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed ay heshiis uga gaareen khilaafkoodii ku saabsanaa dhanka doorashada Xildhibaannada Gobolada Waqooyi.
Heshiiska oo ka dhacay Hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, iyada oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, waxaana ay ku heshiiyeen Afar qodob oo kala ah.
1. In la soo afjaro khilaafkii labada dhinac u dhexeeyey ee la xiriiray arrimaha
doorashooyinka kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada
Waqooyi ee (Somaliland).
2. In la mideeyo Guddoonka iyo xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer
Somaliland, iyadoo Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdilaahi ay qaadanayaan Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga iyo Madaxa Amniga iyo
Lojistikada.
3. In la soo afjaro iskooxaysigii iyo abaabulkii u dhexeeyey siyaasiyiinta Gobolada
Waqooyi (Somaliland) loona midoobo hirgelinta doorasho hufan oo aan daahitaan lahayn.
4. In sida ugu dhakhso badan loo gudogalo hirgelinta doorashooyinka kuraasta labada
aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Muddo dheer ayuu soo jiitamayay khilaafka salka ku haayay oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed & Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana dhowr jeer fashilmay kulamo lagu xalin lahaa, hayeeshee ugu dambeyn ay heshiis ka gaareen.














