Waxaa istaagay dagaal ka socday Saacaddo badan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug Sidda ay Radio Baidoa u xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
Ciidanka dowladda Jabuuti ayaa ku guuleystay joojinta dagaalka, waxaan ay ku guuleysteen in labadda dhinac wadahadal galaan.
Ku dhawaad 10 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka maanta ka dhacay Dhuusamareeb iyo Guriceel.
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta geysay Dhuusamareeb Ciidamo dheeraad ah.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa inta badan dadkii kunoolaa ay Caawa ku hoyanayaan duleedka Magaalada ka dib markii maanta ay barakaceen.














