Hindiya: Nin ka dhintey 89 carruur iyo 38 xaas

Ziona Chana oo 76 jir ah oo la aaminsan yahay inuu lahaa qoyska ugu ballaaran dunida ayaa ku dhintay gobolka Mizoram ee dalka Hindiya.

Ziona Chana, ayaa dhintay Axaddii isagoo ka tagay 38 xaas ah, 89 carruur iyo 36 carruur oo uu awoow u yahay.

Warkan waxaa shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mizoram, Zoramthanga, oo bartiisa Twitterka ku soo qoray tacsida. Ziona ayaa la sheegay inuu qabay dhiigkar iyo sokorow.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inuu Ziona aad u xannusaday isagoo jooga gurigiisa habeennimadii Axadda, wax yar ka dib markii isbitaalka la geeyayna uu dhintay.

Inkastoo warbaahin kala duwan oo maxali ah ay ku tilmaameen inuu ninkan haystay rikoorka madaxa qoyska ugu ballaaran dunida, haddana way adagtahay in la xaqiijiyo.

Qoyskiisa ayaa soo jiitay dalxiisayaal badan oo ku booqdo tuulada ay ka dagan yihiin gobolkaasi oo ku yaalla waqooyi bari Hindiya.

Qoyskiisa ballaaran ayaa ku nool guri ka kooban afar dabaq oo 100 qol leh, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Tuuladan ayaa soo jiidatay dalxiiisayaal badan oo caalamka ka kala yimid oo doonaya inay arkaan nolosha qoyskan ballaaran.