Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-shabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq oo Weheliyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa waxaa ay siweyn uga soo horjeesteen hadalkii Midowga Mushatixiinta ee ahaa in Beledweyne aan xilligaan doorasho lagu qaban karin sababo la xiriira amniga iyo khilaafka kajira Hir-Shabeelle.
Shir Jaraa’id oo ay siwadajir ah u qabteen ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Calli Jeyte Cismaan waxaa uu sheegay ayaa in Midowga Musharaxiinta ay u gafeen Dadka Reer Beledweyne oo ay doonayaan inay doorashada kawareejiyaan Magaalada.
Dhinaca kale Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa beeniyay Warka Midowga Musharaxiinta asigoo sheegay inay qas iyo fowdo kuwadaan Islamarkaana Beledweyne doorsho lagu qaban karo.
Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday Xubnaha Midowga Musharixiinta inay raali gelin ka bixiyaan hadalkaas maadaama sida uu sheegay Bedweyne ay ka dhici karto doorashada Xildhibaannada labada Aqal.
Magaalada Beledweyne oo kamid ah Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa kajiray xiisad ka dhalatay doorashadii ka dhacday Magaalada Jowhar, waxaana jabhad uu hoggaamiyo Janeraal Xuud ay dhowr jeer in uu Beledweyne tago u diideen Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.














