Wasiirka Dib u heshiisinta dowlad Goboleedka Hirshabelle Cabdikariin Cali Nuur iyo wafsi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degaanka Kabxaley ee Gobolka Hiiraan.
Degaanka Kabxanleey ayaa waxaa dhawaan dagaal khasaaro geystay uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed, walow markii dambe lagu guuleystay joojinta dagaalka.
Wasiirka ayaa sheegay inay Wasaaradda Dib u heshiisinta Qaadan doonta Dadaalkeeda Heshiisiinta beelaha Walaalaha ah, is lamarkaan Maalmaha soo aadan shirar dib u heshiisa loo qaban doona labada beelood.
Degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa kusoo laab laabtay Colaad Beeleedyada, waxaana Maamulka Hir-Shabeelle uu wadaa dadaalo uu uga hortagayo dagaaladaas.














