Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Hirshabelle ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday inay jartay xiriirkii wada-shaqeyneed ee kala dhaxeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Mudane Mohamud Mo’alim, iyada oo ku eedeysay ku tagrifal gargaarka shacabka Hirshabelle loogu talagalay iyo hufnaan la’aan ka muuqata hab-maamulkii gargaarka. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Wasiirka Wasaaradda, Marwo Asha Khalif Mohamed, oo taariikheysan 25-ka May 2025, ayaa lagu sheegay in gaar ahaan dhacdadii dhawaan ka dhacday degmada Moqokori — halkaas oo afar kartoon oo dawo ah si aan habboonayn loo geeyay — ay noqotay mid caddeyn u ah sida musuqmaasuq iyo dayacaad loogu sameeyay shacabka u baahan kaalmo.
Wasaaradda ayaa ku adkaysatay inay muhiim tahay in la ilaaliyo hufnaanta iyo caddaaladda loo maareynayo gargaarka, iyadoo shacabka Hirshabelle lagu wargeliyay in laga shaqeyn doono sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha taagan, iyada oo laga fogaanayo cid kasta oo aan u damqanayn danaha shacabka. Go’aankan ayaa imaanaya xilli gobollada Hirshabelle ay wajahayaan dhibaatooyin culus oo dhinaca abaaraha iyo saameynta roobabka ah, taas oo sare u sii qaaday baahida loo qabo in gargaar la gaarsiiyo si nidaamsan oo hufan.














