Hoggaamiyaha Mucaaradka Israa’iil Yair Lapid oo Abu Dhabi kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil, Yair Lapid, ayaa Jimcihii shaaciyay inuu kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka Carabta, Sheekh Cabdullaahi bin Zayed Al Nahyan, iyagoo kaga wada hadlay xaaladda ka taagan Marinka Qaza iyo dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro xabbad-joojin rasmi ah.

Lapid ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X (horey u ahayd Twitter) ku sheegay, “Waxaan la joogaa saaxiibkey, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka, waxaan kulanay habeen hore (Khamiis) magaalada Abu Dhabi. Waxaan ka wada hadalnay horumarka gobolka iyo dadaallada lagu gaari karo heshiis xabbad-joojin ah oo Qaza ka dhaca, iyo sidii loo heli lahaa dib u soo celinta maxaabiista la haysto.”

Lapid wuxuu hadalkiisa ku lifaaqay sawir uu la jiro Sheekh Cabdullaahi bin Zayed, taasoo muujinaysa kulanka labada dhinac ee ka dhacay caasimadda Imaaraatka.

Dhinaca kale, wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraatka, WAM, ayaa xaqiijisay kulanka u dhexeeyay Lapid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, balse ma aysan xusin wax kulan ah oo dhexmaray Lapid iyo Madaxweynaha Imaaraatka, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan – inkastoo Lapid sheegay inuu la kulmay madaxweynaha muddadii uu joogay Abu Dhabi.

Kulankan ayaa imaanaya iyadoo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo caalami ah oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka socota Marinka Qaza, oo ay sii kordhayaan cadaadisyada beesha caalamka ee ku wajahan xabbad-joojin rasmi ah iyo xal waara.