Hoobiyeyaal lagu weeraray Magaalada Jowhar

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar caasimadda Hirshabeelle ayaa sheegaya in hoobiyeya laga maqlayo meel u dhow Madaxtooyada Hirshabelle.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegaya inay maqlayaan hoobiyaal ku soo dhacaya magaalada iyadoo aan la ogeyn halka ay ka soo dhacayaan.

Waxaa soo wajahday dadka ku nool magaalada Jowhar cabsi faro badan iyadoo xalay bam lagu weeraray guri ay degenaayeen xildhibaano.

Weerarka bamka ah ayaa waxaa xalay ku dhaawacmay saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.