Ciidamada dowladda Soomaaliya & kuwa Amniga degmada Walaweyn ayaa howlgal wadajir ah waxaa saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Howlgalka oo ay horkacayeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii, Gudoomiyaha Degmada Wanlaweyn ayaa waxaa Ciidamadu ka sameeyeen tuulooyinka u dhow degmada Walanweyn, waxaana howlgalka uu ahaa mid wadooyinka iyo guryaha qaar laga sameeynayay.
Inta lagu gudi jiray howlgalkaasi amni ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabqabtay dhalinyaro aad u tira badan si loo xaqiijiyo xaalada amni ee guud ahaan Degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu yahay in la xaqiijiyo amniga lagana sifeeyo Al-Shabaab lana dardar gelinaayo howlaha hor yaalla Maamulada Degmooyiinka iyo Deegaanada Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo kuwa Amniga degmada Walanweyn ay ka sameeyeen tuulooyinka hoostaga degmadaas ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli mararka qaar weeraro lagu qaado Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin meelo kamid ah Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.














