Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa howlgal ku dilay ilaa 15-ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab,halka tiro kalena lagu dhaawacay.
Howlgalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyada Alshabaab ay saddex jeer isku dayeen in ay soo weeraraan saldhigyada ciidanka ay ku leeyihiin degmadaasi Diinsoor ee gobolka Bay, habeenkii xalay,iyadoo halkaasi looga khaarijiya maleeshiyaad islamarkaana ciidanku ay la wareegeen hubkii ay wateen.
Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in argagixisadii weerarka soo qaaday halkaasi looga khaarijiyay 15 xubnood oo meydadkooda lagu arkayo goobihii howlgaladu ay ka dheceen, halka kuwa firxadka ahna lagu raad joogo.
Degmada Diinsoor oo ah magaalo istratiiji ah ayaa khiyaas ahaan Baydhabo u jirta in ka badan 100 Km, waxayna ku taalaa xadka gobolada Bay, Sh. Hoose, Gedo iyo Jubbooyinka, halkaasi oo ay difaacyo xooggan ay ku leeyihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed gaaar ahaan, talista qeybta 60-aad.


















