Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 21aad cabdi Casiis Cabdullaahi Qooje ayaa sheegay in dhawaan deegaannada Galmudug uu ka bilaabanayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin labada Gobo lee Mudug & Galgaduud.
Waxaa uu sheegay taliyaha in deegaannada Galmudug ay kamid yihiin deegaannadii ugu horeeyey uu ka bilaawday dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab,waxaana Ciidamada kala duwan ee dowladda & kuwa Galmudug uu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.
Hadalkaan ayaa Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 21aad cabdi Casiis Cabdullaahi Qooje waxaa uu ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay degmada Guriceel.














