Howlgal qorsheysan oo lagu dilay 25 Al-Shabaab ah

Ugu yaraan 25 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay, kadib markii ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ay fuliyeen howlgal si xeeladeysan loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay meel u dhow degaanka Buulo-xaaji ee gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalkan, oo lagu beegsaday goobo istiraatiiji ah oo ay kooxdaasi si gaar ah ugu tiirsaneyd, waxaa hoggaaminayay saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo warbaahinta Qaranka u sheegay in dadkii la laayay ay ku jireen horjoogayaal muhiim u ahaa kooxda, kuwaas oo door muuqda ku lahaa abaabulka iyo fulinta weerarrada argagixisada ah ee lagu bartilmaameedsado shacabka iyo ciidamada dowladda.

Intii uu socday howlgalku, ciidamada ammaanku waxay sidoo kale burburiyeen saldhigyo muhiim ah oo Khawaarijtu ku lahaayeen deegaankaas, kuwaas oo u adeegayay sidii xarumo hawlgaleed iyo keyd ciidan. Waxaa sidoo kale la gubay ama la burburiyay gaadiid dagaal oo ay kooxdaasi si joogto ah u adeegsan jirtay, kuwaas oo loo isticmaalayay weerarada gaadmada ah iyo barakicinta shacabka deegaanka.

Saraakiisha ammaanka waxay sheegeen in howlgalkan uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Khawaarijta, ayna socdaan qorshayaal kale oo lagu sugi doono amniga guud ee gobolka, loogana sifeynayo kooxaha argagixisada ah ee dhibta ku haya shacabka Soomaaliyeed.