HSJ iyo NIRA oo ku Heshiiyay In Kaarka Aqoonsiga Qaranka Loo Baahan Yahay Marka la Codsanyo Baasaboorka

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed (HSJ) iyo Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), kaasi oo diiradda lagu saaray is-waafajinta adeegyada labada hay’adood iyo qorshaha hirgelinta adeegsiga Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Kulanka waxaa shir-guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), Maareeyaha NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle (Tima-cadde), Agaasimaha Guud ee HSJ Mustaf Dhuxuloow, iyo mas’uuliyiin ka kala socday labada hay’adood.

Go’aannada ugu waaweyn ee laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah:

  1. 1-da Sebteembar 2025 – Qof kasta oo codsanaya baasaboorka Soomaaliya waa inuu haystaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

  2. 1-da Janaayo 2026 – Dhamaan socdaallada gudaha dalka waxaa lagu fulin doonaa oo kaliya iyadoo la adeegsanayo Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Ujeeddooyinka heshiiskan waxaa ka mid ah:

  • Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee baasaboorka Soomaaliga.

  • Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta.

  • Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga ee HSJ iyo NIRA.

  • Dhisidda hannaan mideysan oo adeegyada dowladdu ku shaqeeyaan si hufan.

Mas’uuliyiinta ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid muhiim u ah amniga iyo hufnaanta adeegyada dowladda, islamarkaana gacan ka geysan doonta in si sax ah loo diiwaangeliyo muwaadiniinta Soomaaliyeed.