In ka badan 100 Al-shabaab ah oo dowlada ay sheegtey in la diley.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in 120 Al-shabaab ah lagu dilay howlgalladii socday sedaxdii maalin ee u dambeeyay.

Wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaabka la laayey ay ku jiraan horjoogayaal muhiim u ahaa ururka, wuxuna xusay in ay ciidamada is-garabsanaya gacanka ku dhigeen malleeshiyaad badan oo ka tirsan khawaarijta, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan horjoogayaal kale.

Wasiirka difaaca XFS Axmed Macallin Fiqi, ayaa sidoo kale sheegay in ay ciidamadu kaabiga ku hayaan degmada Aadan yabaal guulo xoogganna ay kasoo hooyeen cadowga.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaaya xili maalintii shalay ahayd lagu diley in ka badan Todobaatan xubnood oo Al-shabaab ahaa gobolka Shabeelada Dhexe iyadoo weli halkaasi ay dagaalada ka socdaan, sidoo kalena duqeymo lala beegsadey xaruumo Al-shabaab ay lahaayeen oo ay ku keydsanayeen hubka.