Intepol oo heshiis la gaartey hay’ad ka tirsan kuwa dalka, iyo dalka oo amniga dibadiisa laga sugi doono..

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya (HSJ) iyo Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa si rasmi ah u kala saxiixday habraac dhameystiran oo lagu dhaqangelinayo heshiiskii is-afgarad (MoU) ee ay bishii Janaayo 2025 ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho. Heshiiskan cusub ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga labada hay’adood, isla markaana loo dhiso hannaan mideysan oo wax looga qaban karo caqabadaha dhanka socdaalka iyo dambiyada caalamiga ah ee saamaynta ku leh Soomaaliya iyo gobolka guud ahaan.

Xafladda saxiixa habraaca ayaa waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka socday INTERPOL, waxaana heshiiska si rasmi ah u kala saxiixay Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi. Labada masuul ayaa sheegay in heshiiskan uu ka turjumayo go’aanka Soomaaliya ee ah in la hormariyo nidaamka socdaalka, lana ilaaliyo ammaanka muwaadiniinta iyo dadka soo galootiga ah ee dalka soo mara.

Qodobada ugu muhiimsan ee lagu heshiiyay waxaa ka mid ah sugidda iyo ilaalinta xuduudaha dalka, la dagaallanka dambiyada abaabulan ee caalamiga ah sida tahriibka dadka, ka ganacsiga maandooriyaha, iyo dambiyada dhanka internet-ka, iyo sidoo kale ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah. Heshiiskan ayaa sidoo kale fursad u siinaya Soomaaliya in ay si buuxda uga faa’iideysato nidaamyada casriga ah ee INTERPOL sida I-24/7 oo ah nidaam xog-wadaag degdeg ah oo la xiriira dadka la raadinayo, dukumentiyada la been abuuray iyo dhaqdhaqaaqyada ka dhanka ah nabadgelyada caalamka.

Agaasimaha HSJ, Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa ku tilmaamay heshiiskan guul weyn oo Soomaaliya u horseedi doona in si toos ah ula jaanqaado heerarka caalamiga ah ee maamulka socdaalka, isagoo xusay in tani ay sare u qaadi doonto kalsoonida caalamiga ah ee dalka. Dhinaca kale, Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu muhiim u yahay sugidda ammaanka dalka, maadaama dambiyada abaabulan iyo socdaalka sharci-darrada ah ay yihiin caqabado caalami ah oo u baahan wadajir iyo xog-wadaag.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto geeddi-socod dib u habeyn amni iyo mid sharci, iyadoo dowladda Federaalka ay xoogga saarayso in la dhiso hay’ado awood leh oo la jaanqaadi kara nidaamyada caalamiga ah. Heshiiskan HSJ iyo INTERPOL ayaa lagu tilmaamay inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo xoojinaysa ka hortagga khataraha amni, isla markaana muujinaysa in Soomaaliya ay ku tallaabsanayso horumar muuqda oo dhinaca maamulka socdaalka iyo ladagaallanka dambiyada caalamiga ah ah.