Iran oo Gantaallo Ku Weerartay Saldhigga Mareykanka ee Qatar.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa si toos ah u weeraray saldhigga ciidamada Mareykanka ee Al Udeid, oo ku yaalla gudaha dalka Qatar. Weerarkan ayaa la sheegay inuu yahay jawaab aargoosi ah oo kaga aargudayo duqeymo Mareykanku ku qaaday xarumo muhiim u ahaa Iran.

Wakaaladda wararka Iran ee Tasnim ayaa xaqiijisay in gantaallo xoogan lagu garaacay saldhiggaasi, iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan in waxyeello loo geystay qaybo kamid ah xaruntaasi. Ilaa hadda, Mareykanku kama uusan hadlin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi geystay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa jawaab xadidan oo la doonayay in lagu muujiyo awoodda Iran iyo in aysan aqbali doonin faragelin shisheeye. Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran ay diyaar u tahay wada hadal haddii Mareykanku joojiyo gardarrada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo in weerarkaasi uu yahay fursad lagu bilaabo wadahadal. Waxa uu uga mahadceliyay Iran sida ay uga digtay weerarka kahor, taasoo suurto galisay in khasaaro naf ah uusan dhicin.

Weerarkan ayaa dhalin kara xiisad cusub oo dhanka Bariga Dhexe ah, iyadoo khubarada arrimaha milatariga ay ka digeen inuu horseedi karo is-ballaarin colaadeed. Si kastaba ha ahaatee, beesha caalamka ayaa bilaabeysa dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu dejinayo xiisadda cusub ee ka dhex aloosan Iran iyo Mareykanka.