Waxaa cirka isku sii shareeraya muranka ka dhex aloosan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maaxamed Xuseen Rooble, kaas oo salka ku haya buuqii ka dhashay dilkii la sheegay in loo geystay Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hey’adda Sirdoonka ee NISA.
Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa qoraallo is-burinaya kasoo kala baxayeen xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’isul Wasaaraha.
Maanta ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wada-hadalada, waxaana muuqato in Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha.
Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay.
Haddaba, waa ayo cidda awoodda u leh in khilaafkan oo kale ay xalliso, Dastuurkuse muxuu arrintan ka qabaa?














