Israel oo xaalkeeda sii xumaanaayo iyo Gaza oo garab ka heleysa saaxibadii Israel.

Dad gaaraya laba milyan oo qof ayaa xaalad macluul ah ku wajahaya magaalada Qasa.

Waxaa indhaha lagu hayaa halka ay gawaarida gargaarka sida ay gargaarkaas geyn lahaayeen iyo qaabka ay dadka u gaarsiin lahaayeen gargaarka.

Tan iyo shalay, kolonyada gargaarka sida ayaa sugayay oo doonayay inay gargaarka dadka gaarsiiyaan balse weli waxba iskama bedelin arrintaas.

Xitaa hadii ay 100 gawaari oo gargaar sida ay gudaha u galaan Qasa, xaaladda waxba kama bedeli doonto sababtoo ah Qasa waxay cunto la’aan ahayd muddo 11 todobaad ah.

Sawiro la soo dhigay baraha bulshada oo suuqyada magaalada laga soo qaaday ayaa muujinaya in suuqa aysan waxba oolin, khudaar jirin, cunto, hilib iyo digaagna aysan suuqa yaalin.

Waxaa taasi ka muhiimsan, in isbitaalada aysan koronto lahayn, iyo sidoo kale shidaal loo adeegsado in lagu kiciyo matoorada ku shaqeeya shidaalka. Dawooyin ma leh, boqolkiiba 25 biyaha Qasa waa kuwo nadiif ahayn oo la cabi karin waxaana xaaladda ay tahay hadda mid aad u daran.

Dhinaca kale Raysal wasaarihi hore ee Israa’iil, Ehud Olmert, auaa sheegay in aysan jirin wax aan ahayn cadaadis siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah oo Benjamin Netanyahu ku qancin doona inuu ka laabto howlgalka cusub ee Qasa.

Waxaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay BBC-da qeybteeda barnaamijka Radio.

Shalay, dawladda UK waxay ku dhawaaqday inay hakisay wadahadaladii ku saabsanaa heshiis ganacsi oo ay la lahayd Israa’iil.

Waxay UK sidoo kale u yeertay safiirkeedi Israa’iil, waxaanay cunaqabatayn hor leh ku soo rogtay dadka ka soo jeeda qowmiyadda yuhuudda ee deegaano laga siiyay Daanta Galbeed.

Waxa ay sidoo kale ku biirtay dowladaha kale ee cambaareeyey xaaladda Qasa ka taagan, sida Canada iyo Faransiiska, waxayna ku baaqday in gargaar dheeraad ah la geeyo dhulkaas.

Olmert, raysal wasaarihii hore ee Israa’iil, haatanna dhaliila hogaanka Israa’iil, ayaa sheegay in cadaadiska uusan ahayn mid ku filan , isagoo soo jeediyay in madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, laga yaabo inuu wax badan bedeli karo.

Waxaa uu sidoo kale taageeray tallaabada ay qaaday dowladda UK.