Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey oo Shahaado lagu gudoonsiinaayey arday dhamaysatay “Social Work Course” , laguna daahfurayay qaybtii 2aad ee course daas ayaa lagu qabtay Jaamacadda Koonfurta Soomaliya.
Waxaa munaasabadda si wada jir ah uga soo qayb galay Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka, Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo Sports ka, Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya. Dhamaantooda waxa ay bogaadiyeen horumarka ay samaynayso jaamacadda ayaga oo si gaar ah udhiiri geliyay ardaydii dhamaystay iyo kuwa cusub ee hadda bilaabaya course ka.
Gudoomiyaha Jaamacada, Prof. Eno ayaa isagana u rajeeyay ardayda inay dedaalkooda sii wadaan si ay aqoon fiicn, tayo leh u helaan, jaamacaddana ay mar walbo ku dedaalayso sidii lagu tayayn lahaa sarena loogu qaadi lahaa Waxbarashada Jaamacadda.








































