Jabuuti oo cabsi badan ka muujisey galaangalka Imaaraadka ee qaarada Afrika.

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u dhaliilay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay in maalgelinta ballaaran ee ay ka wadaan Qaaradda Afrika ay dhab ahaan u adeegsanayaan ujeeddooyin milatari oo aan si cad loo muujin.

Wareysi uu siiyay Radio France Internationale (RFI), Madaxweyne Geelle wuxuu sheegay in ololeha $110 bilyan ee maalgashiga Imaaraadka uu yahay qorshe istiraatiiji ah oo loogu talagalay ballaarinta saameynta ciidan, iyadoo la adeegsanayo horumarin dhaqaale oo muuqaal ahaan wanaagsan balse aan dhab ahaan u ahayn mid dan u leh madax-bannaanida Afrika. “Imaaraatigu waa kuwo si qoto dheer u wiiqaya gobolka,” ayuu yiri.

Geelle wuxuu iftiimiyay in Dowladda Jabuuti ay horey u diiday codsi Imaaraadku ku doonayeen saldhig milatari oo dalkaas laga siiyo, taas beddelkeedana ay Imaaraadku u jeesteen dalal kale oo daris la ah, iyagoo bartilmaameedsanaya marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.

Madaxweynaha ayaa ka digay in “aysan jirin maalgashi aan la socon dano milatari,” taasoo uu ku tilmaamay khatar toos ah oo ku wajahan xasilloonida iyo madax-bannaanida Afrika.

Xiriirka Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa xumaaday kadib markii Jabuuti ay dalka ka eriday shirkadda DP World oo maalgashi ku sameysay dekedaha Jabuuti. Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa si weyn u ballaarinaya saameyntooda Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, iyo Suudaan, iyadoo Soomaaliya marka la eego uu Imaaraadku taageero maamullo kasoo horjeeda Dowladda Federaalka ah, taas oo khatar ku ah midnimada dalka.