Guddiga doorashooyinka iyo Farsamada Koonfur Galbeed ee qaabilsan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray Jadwalka iyo Habraaca ee soo xulista Xildhibaanada Maamulkaas.
Qoraal kasoo baxay Guddiga Farsamada ayaa waxaa lagu sheegay in Diiwaan-gelinta Odayaal dhaqameedyada iyo u tababarida soo xulista Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay bilaabaneyso 26-ka Bishaan February 2020 ayna ku egtahay 29-ka bishaan.















