Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga qayb gashay Shirka Heer Wasiir ee Isku-duwayaasha Hirgelinta Go’aamada Madasha Iskaashiga Afrika iyo Shiinaha (FOCAC), kaas oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan, Shiinaha. Soomaaliya waxaa shirka uga qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalam Abdi Ali, oo hoggaaminayey wafdi heer sare ah.
Wasiir Cabdisalam ayaa si weyn u soo dhaweeyey ballanqaadyada cusub ee ay ku dhawaaqeen Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Mudane Wang Yi, kuwaas oo xoojinaya iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee dhinacyada horumarka, ganacsiga, tiknoolajiyadda, iyo sugnaanta cuntada. Wasiirku wuxuu si gaar ah u bogaadiyay doorka hoggaamineed ee Shiinuhu ka qaadanayo horumarinta Qaaradda Afrika, isagoo tilmaamay in ballanqaadyadaas ay si buuxda ugu waafaqsan yihiin himilooyinka qaranka Soomaaliyeed ee ku saleysan xasilooni, koboc iyo dib-u-dhis.
Mudane Cabdisalam ayaa xusay in 25-kii sano ee la soo dhaafay tan iyo markii la aasaasay Madasha FOCAC, Afrika ay ku tallaabsatay horumar muuqda oo la taaban karo, laga bilaabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ilaa ballaarinta fursadaha ganacsi iyo maalgashi. Wasiirku waxa uu FOCAC ku tilmaamay tusaale guuleystay oo ka tarjumaya saaxiibtinimo dhab ah oo aan ku salaysnayn hadal kaliya, balse horseed u ah natiijooyin wax ku ool ah oo la taaban karo.
Soomaaliya, ayuu intaas ku daray Wasiirku, waxay si buuxda u garab taagan tahay dhismaha bulsho leh mustaqbal wadaag ah oo hoggaaminaya wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo daahfurnaan. Wuxuu si cad u muujiyay mudnaanta ay Soomaaliya siinayso horumarinta awoodda aadanaha, dhismaha dowladnimada dhijitaalka ah (e-governance), horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo sare u qaadista ganacsiga la dhoofiyo, isagoo iskaashiga Shiinaha u arkay fursad muhiim ah oo wax ka tari karta yoolalkaas.














