Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ka jawaabay warkii maanta ka soo yeeray Siyaasiyiinta laga soo doorto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Siyaasiyiinta ayaa waxay sheegeen in Wasiirka Amniga Jubbaland uu degan yahay hotel ku yaala Degmada Mandhera, iyagoona ku baaqay in kooxdiisa hubka laga dhigo, isagana uu isaga fogaado Mandhera.
Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay inaanu joogin Degmada Mandhera, balse uu ku sugan yahay Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo.
“Mandhera iyo Buulo Xaawo waa laba magaalo oo deris ah, haddii Buulo Xaawo uu dhib ka dhacana Mandhera wuu gaaraya. Mandhera waa deegaan iyo dal ay dad kale leeyihiin, laakiin aniga hadda Mandhera ma jooggo, aniga hadda meeshaan kaala hadlayo waa Buulo Xaawo.” Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka oo wareysi siiyay Laanta afka Somaliga ee VOA sheegay in xilligII uu u baahdo uu taggi doono Mandhera, Nairobi iyo meel kaloo ka fogba, dalka Kenyana uu yahay dal ay saaxiibo yihiin.
“Xilligan u baahdo Mandhera maahee Nairobi baan tagayaa iyo meeshii kaloo ka shisheesaba. Dalka Kenya waa dal aan saaxiibo nahay, deris-na aan nahay.” Ayuu yiri Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiirka Amniga Jubbaland.
Wasiir Janan ayaa xusay in ciidan ka amar qaata isaga iyo masuuliyiinta kale ee ku wehlineysa Degmada Mandhera aanay ku sugnayn gudaha Degmada Mandhera.
“Aniga shakhsiyan aan kula hadlayo, ciidan aniga iyo masuuliyiinta kaloo ila socota midnana ka amar qaadanaya hadda Mandhera ma jooggaan.” Ayuu yiri Wasiir Janan.
Ka dib markii Ciidamadii Dowladda ee la wareegay Degmada Beled Xaawo ku soo dhawaadeen degmadaasi ayay Cabdirashiid Janan iyo Ciidamadii Jubbalandba ay taggeen dhinaca Mandhera, inkastoo ay dib ugu soo noqdeen afaafka hore ee Beled Xaawo.














