Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari oo iska casilay xilkan markii ay is qabteen Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre, ayaa hadda bilaabay loolan siyaasadeed oo xoog badan, wuxuuna loolankan xoogiisa galiyey sidii u dacwad uga gudbin lahaa dawladda Faderaalka.
Gudoomiyihii hore ayaa kusugan magaalada Nairobi,wuxuuna kulamo kala duwan la yeeshay daneeyaasha arrimaha Soomaalida, isagoo warqad u gudbiyey ku dhaliilay habka uu u shaqeynayo baarlamaanka, wuxuuna cadeeyey in ay isku milmeen Hay’addaha baarlamaanka & Xukuumadda oo uu sheegay in ay isku shaqo noqdeen.
Mr, Jawaari ayaa sheegay in aan ilaa hadda waxba laga qabanin arrimaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaana la xisaabtanka Xukuumadda iyo arrimaha la xariira dibu eegista Dastuurka dalka oo uu sheegay in uu muhiim yahay.
Sidaas oo kale in la dadajiyo arrimaha ku saabsan doorashooyinka 2020-ka ayuu sheegay in uu yahay mid hooseysa oo aysan dhinacyadu diyaar u aheyn, gaar ahaana Madaxda dawladda Faderaalka ayuu ku eedeeyey in ay leeyihiin ujeedooyin guracan.
Madaxda dawladda Faderaalka ayuu sheegay in ay wataan qorshe ay ku doonayaan in ay mudo kororsi sharci darro ah uga fakaraan, isagoo sheegay in hanaankii saxda ahaa aan loo mareynin dibu eegista Dastuurka iyo geedi socodka doorashooyinka oo uu sheegay in ay xili kasta dabagal ku sameynayeen.
Dacwada gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sh Cismaan Jawaari, waxay ku soo aaday xili Gudoomiyaha shaqada kala wareegay Maxamed Mursal uu shalay si cad u sheegay in aan waxba laga qabanin dibu eegista Dastuurka dalka, loona baahan yahay in qorshe cusub lala yimaado, si horey loogu dhaqaajiyo geedi socodka siyaasaded iyo hanaanka doorashooyinka xorta ah.














