Maanta oo Isniin ah ayaa la dhammaystiray darbiga wayn ee loo dhisay dhul loogu tala-galay in laga dhiso Masaajid iyo Mac’had diini ah. dhulkan ayaa ku yaal gudaha Kililka.
Haddaba Sheekh Axmed Aabi Mataan oo ah Guddoomiyaha Golaha sare ee Arrimaha Islaamka ayaa Warbaahinta u sheegay in kharashka darbigan lagu dhisay ay bixiyeen shacabka magaalada Jigjiga.
Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in haddii Ilaahay yidhaahdo uu ku xigi doono dhismaha Masaajidkii iyo Mac’hadkii oo noqon doona meel dad badan ay ka faa’iidaysan doonaan.
Goobtan laga dhisi rabo Masaajidka iyo Mac’hadka diiniga oo ahayd dhul dawladeed ayaa horey waxaa si gaàr ah gacanta ugu hayay Madaxwaynihii hore ee degaanka Cabdi Iley taas oo beero ahayd.

















