Jowhar oo maaintii labaad looga shiraayo waxbarashada dalka.

Magaalada Jowhar, ee caasimadda Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, ayaa maalintii labaad martigelinaysa Shirka Wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya, shir heer qaran ah oo ay hoggaamineyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Shirkan oo muhiim u ah jihaynta iyo tayeynta waxbarashada dalka, ayaa si ballaaran looga hadlayaa xaaladda guud ee waxbarashada Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in laga faa’iideysto si loo gaaro nidaam waxbarasho oo tayo leh, isku dheelli tiran, oo fursad u siiya dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

Waxaa shirka ka qeybgalaya Wasiirrada Waxbarashada ee dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, iyo sidoo kale wakiillo ka socda Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo qayb muhiim ah ka ah gogosha wadatashiga. Kulanka ayaa diiradda saaray sidii loo mideyn lahaa manhajka waxbarashada, loo hagaajin lahaa tayada macallimiinta, loona horumarin lahaa adeegyada tacliinta sare iyo kuwa hoose/dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XJFS, Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir, oo furitaanka iyo hogaaminta shirka hoggaaminayay, ayaa sheegay in shirka uu yahay mid muhiimad weyn u leh mustaqbalka waxbarashada Soomaaliya, wuxuuna carabka ku adkeeyay in lagu gaarayo go’aammo istiraatiiji ah oo wax ka beddeli doona hannaanka waxbarasho ee dalka.

Wasiir Faarax ayaa xusay in shirka uu ka tarjumayo wadajir iyo iskaashi dhab ah oo ka dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, isagoo intaas ku daray in is-afgarad laga gaaro qodobbada muhiimka ah uu suurta galin doono horumar ballaaran oo la taaban karo.

Shirka ayaa la filayaa inuu socdo dhowr maalmood, iyadoo la rajeynayo in gebogebadiisa laga soo saaro qodobo iyo hindisayaal rasmi ah oo lagu hagaajinayo qorshaha waxbarashada qaranka, si loogu diyaar garoobo mustaqbal ifaya oo ku dhisan aqoon iyo karti Soomaaliyeed.