Jubaland oo cabasho u gudbisey QM.

Dowladda Jubbaland ayaa cabasho rasmi ah u gudbisay Qaramada Midoobay, taas oo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya faragelin toos ah iyo qorshe lagu wiiqayo maamulka Jubbaland, gaar ahaan howlaha maamul iyo amniga ee gobolka Gedo.

Cabashadan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeeshay maamulka gobolkaas iyo adeegyada bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, oo ku sugan gobolka Gedo, ayaa kulan fogaan-arag ah la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka, xasaradaha siyaasadeed, iyo saameynta ay yeelatay faragelinta dowladda Federaalka.

Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya inay waddo qorshe “guracan” oo lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana lagu hakiyay mashaariic horumarineed, adeegyo muhiim ah, iyo duulimaadyadii caadiga ahaa ee garoomada gobolka Gedo.

Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la falanqeeyay xaaladda dib-u-heshiisiinta beelaha deegaanka, gaar ahaan degmada Luuq, halkaas oo ay muddo dheer ka jirtay colaad sokeeye. Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay gacan ka geysan doonaan gogol nabadeed oo la qorsheeyay in lagu qabto degmadaas muddo bil gudaheed ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland ayaa uga digay mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay “cawaaqib xumo siyaasadeed iyo mid amni” oo ka dhalan karta ficillada dowladda Federaalka, isagoo ku eedeeyay kooxda ku sugan Villa Soomaaliya inay ka leexatay dastuurkii federaalka ee lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu baaqay waxgaradka, siyaasiyiinta iyo shacabka Jubbaland inay mideeyaan codkooda, iskuna duubnaadaan difaaca xuquuqdooda maamul iyo siyaasadeed. Wuxuu carabka ku adkeeyay in, sida uu hadalka u dhigay, “shakhsiyaad dano gaar ah leh aysan go’aamin karin masiirka shacabka Gedo iyo guud ahaan Jubbaland.”