Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa saaka waaberigii fuliyay howlgal qorsheysan oo ballaaran oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo bartilmaameedsaday ayaa lagu qaaday godad iyo xarumo ay ku dhuumaaleysanayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasoo lagu tuhunsanaa inay ka shaqeynayeen qorsheyaal amni darro iyo dhibaateyn toos ah oo loo geysanayo shacabka deegaanka.
Ciidamada huwanta ah ayaa guulo muhiim ah ka gaaray hawlgalka, waxayna burburiyeen gawaari lagu diyaariyay qaraxyo iyo godad ay maleeshiyaadku u isticmaali jireen gabbaad, qorsheynta weerarro iyo kaydka sahayda. Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in sidoo kale laga helay qalab ciidan iyo dukumiintiyo muujinaya qorshayaal laga hortagay.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarku uu ahaa mid si xeel dheer loo qorsheeyay, isla markaana uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee ay dowladda Federaalka iyo Jubbaland ugu jiraan ciribtirka kooxda Al-Shabaab ee weli ku sugan qaybo ka mid ah gobollada dalka.
Howlgallada ceynkan ah ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda cusub ee amniga ee lagu doonayo in looga nadiifiyo Al-Shabaab guud ahaan Koonfurta Soomaaliya, si shacabka loogu sugo nolol ammaan iyo xasilooni leh.














