Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa si kulul u eedeeyay qaar ka mid ah dowladaha Qaaradda Afrika, gaar ahaan Masar iyo Eritrea, isagoo ku sheegay inay dabada ka riixayaan colaadda ka taagan degmooyinka gobolka Gedo si ay u gaaraan xuduudka Itoobiya.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in khilaafaadka gobolka loo soo wareejiyay aragtiyo siyaasadeed oo dalal kale leeyihiin, isagoo carabka ku adkeeyay in Jubbaland aysan aqbali doonin in deegaannadooda lagu soo xareeyo muran dalal shisheeye dhexdiisa ah.
Dhanka kale, maamulka DFS ee ugu magacaaban gobolka Gedo ayaa shaaciyay in saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Doolow ay muddo saddex cisho ah u qabteen Wasiir Cabdirashiid Janan iyo ciidamadiisa inay isaga baxaan magaalada Beled-xaawo.
Guddoomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay in saraakiisha Itoobiya ay odayaasha deegaanka ku wargeliyeen amar ku saabsan in la banneeyo xerada UK ee Beled-xaawo, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo wax u dhimaysa derisnimada labada dal.
Waxa uu intaas ku daray in shirarka ka dhaca Muqdisho iyo Addis Ababa mar walba lagu sheegay in wadahadallo socdaan, balse ay ciidamada ku sugan Soomaaliya tallaabooyin ka qaadaan si ka duwan hadalladaas, isagoo sheegay in arrintani aysan wax faa’iido ah u lahayn shacabka Gedo, isla markaana aysan ka dhaadhicin karin mowqifkooda.















