Jubbaland oo Si Adag Uga Hortimid Weerarro Ay Ku Eedeysay Dowladda Federaalka

 

Maamulka Jubbaland ayaa war-saxaafadeed adag ka soo saaray dagaallada isdaba-joogga ah ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, kuwaas oo maamulka uu si cad ugu eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Jubbaland ayaa sheegtay in weerarro isdaba joog ah oo ay fuliyeen ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay sababeen xaalad amni darro oo baahsan, iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal iyo hub culus, taas oo horseedday barakac dadweyne, burbur hantiyadeed, iyo cabsi ku faaftay magaalada.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, maamulka Jubbaland waxa uu tilmaamay in weerarradaasi yihiin kuwo siyaasadaysan, looguna talagalay in lagu wiiqo xasiloonida Jubbaland, ayna yihiin qayb ka mid ah qorshe si gaar ah looga abaabulay Villa Somalia. Maamulka ayaa si cad u sheegay in weerar kale oo xalay dhacay lagu qaaday xarumo ay Jubbaland ku leedahay magaalada Doolow, taas oo sii hurisay colaadda gobolka.

Jubbaland waxa ay ku tilmaantay dhaqanka dowladda Federaalka mid la mid ah kan ururka Al-Shabaab, iyadoo tusaale u soo qaadatay weerarkii Maxaas ee ay Al-Shabaab la wareegtay, taas oo maamulka uu ku sifeeyay in ay tahay natiijo ka dhalatay halis siyaasadeed oo ka timid Villa Somalia.

Maamulka ayaa ku adkaystay in uu u taagan yahay difaaca dadka iyo deegaannada Jubbaland, islamarkaana uu diyaar u yahay in uu iska caabiyo wax kasta oo amniga iyo xasiloonida ka dhan ah. Warsaxaafadeedka laguma caddeyn in Jubbaland ay qaadayso tallaabooyin ciidan, balse waxa uu muujiyay dareen cad oo ka dhan ah dowladda dhexe iyo sida loo wajahayo arrimaha gobolka Gedo.