Kal-Fadhiga 2-Aad Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Oo Maanta Furmaya

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda Kumeel gaarka u ah Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta waxaa la filayaa inuu ka furmo Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Maamulka KG, kadib markii Kal-fadhigii hore uu dhammaaday.

Munaasabadda lagu daah-furayo Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa haatan ka socota Magaalada Baydhabo, waxaana ka qeyb geli doona furitaanka Mas’uuliyiin kala duwan oo soo gaaray halkan.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa furitaanka Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Puntland, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.