Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay guul weyn ka gaartay dadaallada lagu soo badbaadinayay saddex kalluumeysato Soomaaliyeed oo la waayay dhammaadkii sanadkii 2024-kii, xilli ay ku guda jireen hawl kalluumeysi ah xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.
Kalluumeysatadaasi oo kala ah Cabdullaahi Yuusuf Jaamac, Aweys Cabdi Sheekh (Aweys Qunjaaro), iyo Bile Maxamed Mustaf, ayaa maanta si nabad ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan, iyaga oo si diirran loogu soo dhaweeyay munaasabad ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka kala socday Waaxda Horumarinta Kalluumeysiga, Iskaashatada Dan-Kulmis ee Xeebaha Soomaaliya, iyo Ururka Iskaashatooyinka Kalluumeysiga Soomaaliyeed.
Dadaallada lagu soo celiyay kalluumeysatadan waxaa iska kaashaday Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, iyo Iskaashatada Dan-Kulmis, taasoo muujinaysa heerka iskaashi iyo isku-duubni ee u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo ururrada iskaashatooyinka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u muujisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada kalluumeysatada Soomaaliyeed, iyada oo xoojinaysa doorkeeda ku aaddan garab istaagga iyo difaaca shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya badda, kuwaas oo ah laf-dhabarta dhaqaalaha buluugga ah ee dalka.














