KG Oo noqotey Maamulkii 2aad ee dhameystira Doorashada Aqalka sare

Barlamaanka Dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta doortay saddax xilldhibaan oo ka dhinaa xubnaha aqalka sare ku matalaya dowlad goboleedkaasi.

Tirada guud ee Sanotarada laga rabay dowlad goboleedkaasi oo ahaa 8 xubnood ayaa hada la dhameystiray, waxaana Koofur Galbeed ay noqonaysaa maamul goboleedka 2aad ee wada doortay xilldhibaanada golaha aqalka ee Barlamaanka 11aad ee Dalka.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta ka dhacday doorashada Saddex kursi oo kamid ah Aqalka sare, kuwaas oo ka harsanaa sideeda kursi oo Maamulka Koonfur Galbeed ku matala Aqalka Sare.

Ilaa lix musharax ayaa ku tartmayay Saddexda kursi ee Aqalka Sare, waxaana goobjoog ka ahaa kulanka oo codeynayay 91 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Kursiga koowaad ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xuseen Xaaji, kaas oo helay Codad gaaraya ilaa 74 Cod halka Musharixii la tartamayay ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi uu helay 14 Cod, waxaana halaabay Saddex Cod.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku tartamay Cali Sheekh Maxamuud Gacal & Cabduqaadir Cabdi Axmed , waxaana kursiga Aqalka Sare ku guuleystay Cali Sheekh Maxamuud Gacal oo helay 68 cod halka musharaxa la tartamayay uu helay 22 cod.

Kursiga ugu dambeeya 8-mudane ee Golaha Aqalka Sare Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystey Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo helay 68 cod halka Musharixii la tartamey ee Cabdullahi Roobow Maxamed uu helay 18, waxaana halaabay laba cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay maamulka Puntland ooh al Maalim doortay dhamaan 11 kursi ay ku leeyihiin Aqalka Sare.